UJEEDO; qodabada uu ururku ugu talagaley in uu kajeediyo
shirka ayxumno beesha ka tirsan kuleeyihiin BSOTON,USA
Feb. 17,2006
wakiilasho;ururku wuxuu qudbadaan uwakiishey mudana
cabdulaahi afgaab kadib markii leysku raacey shir ururku uu kuyeeshey gaalkacyo feb,16 ,2006 waxaan hadalkayaga ku bilaabeynaa
magaca ale ee rax maanka ah, intaas kadib waxaad naga gudoontaan salaan qaaliya oo aan uwada dhan nahay dhamman xubnaha ururka
ururka waxaa la aas aasaasay july,18,2005 waxaana figrada
la gu aas aasaasey lahaa 3dhalin yaro dabadeedna waxaa ay soo jiiteen maskaxda iyo quluubta bulsho badan oo dalka iyo dibada
jooga .
qaabka dhismaha ururka, ururka waxaa wada gudi loo yaqaan
gudiga fulinta oo ka kooban 9 xumnood oo kala ah gudoomiye,kuxigeen.qasnaji,mamulaha xafiiska iyo 5 xumnood oo kale.xarinta
ururka waa xafiiska oo ku yaala magalada gaalkacyo.ururku waxa uu leeyahey 3 xeer . xeerka golaha fulinta,xeerka maamulka
xafiiska,iyo xeerka dhaqnaka
waxaa jira mabaadiida aas aaska ururka iyo jiritaankiisa
kuwaas oo kala ah dhex dhaxaadnimo madax manaani iyo sinaan,taas macneheedu waxaa weeyey in ururku dhex dhaxaad kayahey afkaaraha
siyaasadeed iyo dirii qooyinka diinta iyo kala qeyb qeybinta jifooyin beesha dhexdeeda ah .
ururka markii la aas aasey kadib waxaa uuqabtey
dhismaha gudiga fulinta, xeer dajinta ururka iyo mabaadiida uu ku dhaqmo,barnajimka wacyi galinta oo kala ah wargeeyska
dugsiga nolosha oo qormo aad loo jecelyaha la gu soo daaboco waxaana is kaleh war geeyskaan ururka bishiiba mar ayuu soobaxaa
,shirarka jimcaha oo dhalin yaradu kaga hadlaan waxa aay lasoo kulmeey dodobaadkii hore iyo waxa ay kaqanayaan todobaadka
soo socda ,habka booqashada (home vising)oo dadka ururka kamaqan loogu tago booqasho oo lagu soo wacyi galiyo,dhisida mooralka
dhalin yarada iyadoo dhalin yarada laga dhaadhicinayo inaney marna aqbalin in ay yihiin dad minority ah balse loo macneenayo
wax yaabaha minorty ka dhigaya sida wax barasho xumo,dhaqaalo xumo ,ka maqnaanta awooda siyaasadeed, wada xiriir la aanta
,hogaan alaanta,khilaafka faraha badan,dhalin yarada wxaa lagu wacyi galiyaa in khilaafka soo kala dhex gala beesha dhexdeeda
aysan sii hurin ee kaalintooda heishiiseed ay ka qaa taan .dakhliga ururka soogala waxa uu kitiirsan yahey qaaraan ay
iska soo aruuriyaan xumnaha gudiga fulinta iyo intii hadba wax laga heli kare bishii mar waxa jira santuukh ururku leeyahey
howshaan waxay qaadataa qiyaastii 10maalmood soo aruurunta lacagaha dhaqaalaha laga qaado qofkii waxa uu u dhexeeyaa 50.000
ilaa 20.000 taasoo udhiganta 3doolar ilaa 1.5 doolar wax ku dhow waxana lagu bixiyaa kirada xafiiska iyotaleefoonka iyo
daabacada war geeyska .
baaqa ururka ;dadkiina ku shiraya BOSTON waxaan
idiinku baqeynaain aad alle weene kacadsataan, in aad yeelataan urur aad kumideeysantihiin hadba in tiina meel wada joogta
oo aan wada wanaagno hal magac sida kan gaalkacyo committee for better future ,in aad aqoonsataan ururkaan ,in aan sameeyno
wada xiriir joogta ah oo aan si wanaagsan wararka u kala helno ,in aad ururkaaan
ku taageertaan si maadi ah iyo si macnawi ah in aad sameeysaan santuukh dhaqaale .
mahad celin ;ururku waxa uu u mahad celinayaa Safiyo
Maxamed Khalaf oo u fidisey ururka taageero dhaqaale taa soo u suura gali sey ururka in uu maanta yeesho computer uu xogtiisa
ku keeydsado. ciwaanada muhiimka ah ee gudiga fulinta waa beexaani axmed barre -gudoomiye
editor:- Abdullahi Maxamed Abdi