Dhalinyaradaan ku xusan waxa ay ka mid yihiin ama ayba yihiin kuwa aas
aasay ururka magaciisa layiraahdo Better Future oo ka dhisan Somalia gaar ahaan magaalada Galkacyo. Ururkaan waxaa loogu talagay
in uu ka shaqeeyo arimaha bulsha ee Yusuf Darood iyo sidii layskugu keeni lahaa tolka oo loo walaalaysiin lahaa maadaama aad
moodid in uu kala daadsan yahay ama ay yartahay isku xirnaanta Tolka.
ILaa hada Better Future wuxuu qabatay waa wax ay ku faraxdo
bulshadeeno,
1. waxaa la furay xafiis uu leeyahay Ururku oo ku yaala magalada G/Kacyo
oo laga maamulo hawlaha ururka.
2. Isbuuc walba in ay kulmaan xubnaha ururka sida ay u wada dhan yihiin,
3. waxay soo saaraan war gays isbuucla ah oo ku saabsan arimha bulshada
YD.
3. Isbuuc walba qofkasta oo ka mid ah Ururka wuxuu dhiibaa lacag gaaraysa
10,000 oo shilin somali ah.
4. Ururku wuxuu 50% oo lacag ah ka baxshaa ardayda ururka ka mid ah
ee wax barata,
5. Waxa uu xafiisyo ka furay Burtinle iyo Boosaaso.
Better Future kama helo waxa taakuleyn ah dibada iyo dalkaba inta uruka
ku jirta mooyee, sidaa aawadeed ayaan la doonayaa in la sameeyo Urur lashaqeeya dhalinyaradaas ama tolku in uu u istaago sidii
loo sii dhaqaanjin lahaa arintaas maxaa yeelay waa dhaq dhaqaaqa kaliya ee tolko maana lee yahay ama la og yahayba.