Better Future/Aayaha Nolosha

Islam
Home
Xubnaha
Wararka/News
Ujeedada
Arimaha Bulshada
Barasha Diinta Islaamka
somalia
Nagala soo Xiriira
Links
Home

               Diinta islaamka oo aad baratid waa tan kaliya ee lagu raaro darajo aakhiro iyo mid aduunba, hadaba walaakayga ama walaashayda muslimda ahey waxaad ku dadaashaa sidii aad uga bad baadin lahayd ehel kaaga in ay ku hoobtaan naarta adigoo arkaya, kama bad baadin karid adoon aqoon diinta islaamka, sidaa aawadeed ayaa page wuxuu kaa caawin doonaa si aad baran lahayd diinta kadibna aad iga  nabad gali lahayd cadaab aduun iyo mid aakhiroba adiga iyo ehelkaagab

Taxanaha Ramadaanka
Kabilow Halkan..... GUJI

Kabilow Halkan..... GUJI

 

Salaadda waxay ka mid tahay guud ahaan marka laga hadlayo cibaadada kuwa ugu muhiimsan, waana marka laga eegayo aragtida islaamka. Waxaa salaadda lagu soo waajib yeelay samada ama cirka, waxayna ahayd habeenkii Nebi Muaxammad (scw) la dheelminayay, iyadoo lambarka koowaad ka gashay cibaadadii kale ee tiirarka islaamka. Sababta loogu beegay waajibinta salaadda cirka ama samada ayaa ka tusinaysa ahmiyad goonni ah oo ay wadato salaadda. 

Madaxda xukuumadaha maanta dunida kajira, markay soo korodho xaalad degdeg ah oo aad u muhiim ah, waxay durbadiiba u yeertaan danjirayaashooda/safiiradooda. Tani waa tan uu bini aadamku si fudud u fahmikaro, ee aan eegno dheelmidii nebi Muxamad.

Nebi Muxammad (scw) maadaama uu yahay safiirkii ummadda islaamka, ayuu Eebbe (sw) ugu yeeray arrin degdeg ah, aadna muhiim u ah, kadib markii loo dheelmay xagga samada, si uu si toos ahaaneed ula soo hadlo Rabbigii sarreeyay, ayna uga wada hadlaan arrinta ku saabsan waajibinta salaadda ee ummadda islaamka. Halkan waxaa mudan inaan xusno, in markii hore lagu waajibiyay oo loo soo dhiibay Rasuulka (scw) 50 salaadood, hase ahaatee wuxuu la kulmay Nebi Muse (cs), isagoo kula taliyay inuu u laabto xagga Alle (sw), uuna weydiisto inuu ka khafiifiyo tirada salaadaha, maadaama uu isagu soo arkay qoomkiisii reer Banuu Israa’iil. Sidii ayuu Rasuulka (scw) ugu noqday Eebbe (sw), isagoo sidaas sameeyay dhowr jeer, jeer markii danbe loo soo dhiibay salaado shan, laakiin xagga ajarka ay ka yihiin 50 salaadood oo kale. [Eeg bogga salaada qaabka loo tukado]

Tixgelinta islaamka ay ku leedahay salaadda

Rukniga ama tiirka Salaadda waxaa la waajibiyay 3 sanno kahor waqtigii hijrada. Waana cibaado ay la iman jireen ummadihii naga horeeyay iyo Nebiyadoodaba, sidoo kale ay waajib tahay inay la yimaadaan ummadda Nebi Muxammad (scw). Meel weyn ayuu islaamka gaarsiiyay ahmiyadda cibaadada salaadda, isagoo digniin iyo gooddi daranna uga digay ciddii ka tagta, ee aan la imaan salaadda. Salaaddu waa saldhiga ugu weyn ee diinta islaamka, waa furaha Jannada, dhinaca kale salaaddu acmaasha la qabto ayeey ugu kheyr badan tahay, waana camalka ugu horreeya ee addoonka la weydiin doono maalinta aakhiro. Dhammaan tiirarka kale ee aan ka ahayn salaadda waxaa lagu waajibiyay isagoo Nebiga (scw) saaran dhulka, halka salaadda keligeed loogu waajibiyay isagoo ku sugan samada ama cirka, waana habeenkii la dheelmiyay suubbanaha Nebiga (scw), waxayna taasi ku tusinaysaa miisaanka culus ee ay wadato salaadda.

Nebiyadii hore iyo Salaadda

Nebiyadii hore dushooda nabadgelyo iyo naxariis Eebbe (sw) ha yeelee si goonni ah ayeey u qaddarin jireen ilaalinta salaadda. Matalan, waxaynu qur’aanka ka heli karnaa tusaalooyin fara badan oo arrintan la xiriirta. Matalan waxaynu arkaynaa Nebi Ibraahim (cs) oo ku duceysanaya “Rabbiyow waxaad iga dhigtaa kuwa salaadda ooga, sidoo kale ubadkayga, Rabbiyoow naga aqbal ducadayda” Suuradda Ibraahim lambarka 40. Sidoo kale, wiilkiisa Ismaaciil (cs) ayuu misna Eebbe (sw) ku ammaanayaa inuu ehelkiisa fari jiray salaadda, wuxuuna yiri “Wuxuu (Ismaaciil) fari jiray reerkiisa salaadda iyo zakada, Rabbi agtiisana wuxuu ahaa mid looga raalli yahay”. Suuradda Maryama aayadda 25

Markii ugu horeysay ee loo waxyoonayay (Eebbe la hadlayay) Nebi Muse (cs) wuxuu Eebbe (sw) faray inuu oogo salaadda, wuxuuna ku yiri “waan ku doortow (Muusow) ee maqal waxa laguu waxyoonayo, Annigu waxaan ahay Allaha aan anniga mooyee Ilaah kale jirin ee anniga i caabud, salaaddana oog xuskayga” Suuradda Daha aayadaha 14 iyo 15. Sidaas oo kale ayaan qur’aanka ku arkaynaa dardaarankii addoonkii wanaagsanaa ee Luqmaan, markii uu u dardaarmayay wiilkiisa, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “wiilkaygayow oog salaadda, macruufkana far (dadka) munkarkana ka reeb (dadka), wixii dhibaato ku soo gaartana u sabar, sidaas ayaa ummuuraha kuwooda loo qasdo”. Suuradda Luqmaan aayadda 17. Nebi Ciise (cs) markii ugu horeysay ee uu hadlay isagoo ku sugan dhabta hooyadii, hadalladii waxyiga ahaa ee uu qur’aanka noo sheegay waxaa ka mid ahaa “waxaa la ii daardaarmay salaadda iyo zakada intaan noolahay”. Suuradda Maryama aayadda 31. Ugu danbeyntii waxaa Suubbanaha Nebigeena Muaxammad (scw) la faray inuu isna la yimaado salaadda, wuxuuna Alle ku yiri “Akhri (Muxammadow) wixii xaggaaga la waxyooday oo kitaabka ah, salaaddana oog, maxaa yeelay salaadda waxay (dadka ka) reebtaa xummaanta iyo waxa la naco...”  Suuradda Al-Cankabuut aayadda 45.

Dhinaca kale, wuxuu Eebbe (sw) sii adkeynayaa ahmiyadda salaadda ugu leedahay xagga sifada ama tilmaanta Alle-ka-cabsiga (taqwa), wuxuuna Eebbe (sw) leeyahay “(qur’aanka) waa hanuun dadka Alle ka cabsada, waa kuwa rumeynaya waxa qaybka (qarsoon aan la arkeyn ee xaqa ah) ah, salaaddana oogaya, lana baxaya-na wixii aan ku arsaaqnay xaggiisa” Suuradda Al-Baqara aayadaha 2 iyo 3. Markale salaadda iyadoo aan aan eegayno, wuxuu qur’aanka ku billaabayaa, misna ku gabagabeenayaa sifooyinka dadka liibaanay, waana billoowga suuradda Al-mu’minuun.

Waqti iyo xaalad goonni ah ma laha salaadda

Haddaba, qofka muslimka ah markasta iyo xaalad kasta waa laga doonayaa la imaanshaha salaadda, hadduu negaasho yahay, iyo hadduu safar yahay-ba, hadduu ku jiro xaalad cabsi, iyo hadduu ku jiro xaalad nabadeed, hadduu nabadgelyo haysto, iyo hadduu ku jiro xaalad colaadeed, hadduu buko, iyo hadduu caafimaad qabo, intuba waa inuu la yimaadaa salaadda. Wuxuu Eebbe (sw) isagoo na faraya inaan ilaalinno salaadaha yiri “xifdiya salaadaha (shanta ah) iyo salaadda dhexe (ee sharafta badan, waana salaadda Casar), una istaaga Eebbe (sw) dartii idinkoo u khushuucsan”. Al-Baqara aayadda 238 iyo 239. Taasna waxaa loola jeedaa, inaan xaalad kasta aan jirno ilaalinno salaadaha faralka ee shanta ah. Ma awoodi wayday inaad istaag ku tukatid, ku tuko fadhi, xittaa haddaad awoodi wayso inaad fadhi ku tukatid, waa inaad u tukataa dhinac-dhinac, ama-ba aad ku tukataa si ishaaro ahaan ah, siday culumada islaamka yiraahdeen oo kale.

Gooddiga haysta qofkii ka taga salaadda

Maadaama aan sidaas u soo aragnay ahmiyadda ay u leedahay ilaalinta iyo xifdinta salaaddaa, sidoo kale-na aynu soo aragnay siday ummadihii hore iyo nebiyadoodiiba ay u ilaalin jireen salaadda, ayaa wuxuu haddana qur’aanka gooddi daran u jeedinayaa kuwa iyaga aanan ilaalin salaadda, isla mar ahaantaana aan waqtigeeda ku tukan, ama-ba aan gebi ahaanba u tukan. Wuxuu Eebbe (sw) isagoo uga digaya kuwaas aanan ilaalin waqtiyada salaadda ku yiri “ halaag waxaa u sugnaaday kuwa tukanaya (ee munaafiqiinta ah), ee haddana halmaansan salaaddooda” Suuradda Al-Maacuun aayadda 4 iyo 5.

Markii uu Eebbe (sw) soo magacaabay Nebiyaal fara badan, isagoo ku amaanay acmaashoodii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen, ayuu misna wuxuu Nebiyadaas gadaashood Eebbe (sw) ku xusay kuwo kale oo garabmaray wadiiqadii Nebiyadaas ee suubbanaa, wuxuuna yiri “waxaase ka gadaal maray (nebiyadaas) kuwo xun oo dayacay salaadda oo raacayna shahawaadkooda (waxay naftoodu jecleyd), kuwaas waxay la kulmi doonaan (aakhiro) shar”.  Suuradda Maryama aayadda 59.

Haddaba, haddii aad doonaysid inaadan lagula kulmin shar iyo tog weyn oo ku yaala naarta Jahannamo, Ilaahay ha naga badbaadiyee, waxaad ku dadaashaa salaadda, oo ilaali waqtigeeda iyo axkaamteeda.

Haddii aan dib u milicsanno xagga axaadiista, waxaa hubaal ah inaan arkayno iyadoo uu Rasuulka (scw) ka dhigayo salaadda waxa lagu kala sooco qofka muslimka ah, iyo kan aan ahayn. Xaddiis uu werinayo Imaam Axmed iyo Muslim iyo sidoo kale Asxaabu-sunanku, wuxuu Rasuulka (scw) yiri “qofka iyo shirkiga iyo kufriga waxaa u dhaxeeya iyadoo laga tago salaadda”. Xaddiis kale oo saxiix ah, ayna werinayaan imaamyada shanta, wuxuu Rasuulka (scw) yiri “ballanta annaga (muslimiinta) iyo iyaga (gaallada) noo dhaxeysa waa salaadda, qofkii ka taga-na waa gaaloobay”.

Maalin maalmaha ka mid ah isagoo Rasuulka (scw) ka hadlaya mustaqbalka uu ku danbeyn doono qofka xifdiya oo ilaaliya salaadda iyo kan aan ilaalin ayaa wuxuu yiri “qofkii xifdiya (salaadaha shanta) waxay u noqon qofkaas (aakhiro) iftiin, xujjo iyo nabadgelyo maalinta qiyaamaha, qofkiise aan xifdin (salaadaha shanta) uma u noqoto qofkaas (aakhiro) iftiin, xujjo iyo nabadgelyo-ba, wuxuuna noqonayaa maalinta qiyaamaha la jirka Qaaruun, Fircoon iyo Haamaan (wasiirkii Fircoon) iyo Ubayu Binu Khalaf”. Culumada islaamka waxay iyagoo xaddiiskan fasiraya yiraahdaan “qofkay hantidiisu salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa (qiyaamaha) la-jirka Qaaruun, qofkay boqortooyadiisu salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka Fircoon, iyo qofkay madaxtinimo iyo howlo wasaarado ay salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka Haamaan, iyo ugu danbeyntii qofkay ganacsigiisu salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka Ubayu Binu Khalaf.

Salaadda la iska doonayo

Salaadda uu Islaamka doonayo ma ahan salaadda lala imaanayo oo keliya xarakaadka iyo qiraa’ada qur’aanka, isla mar ahaantaana aan wadan khushuuc iyo isu-dulleyn xagga Alle ah. Balse, salaadda uu islaamka doonayo, uuna aqbalayo waa tan wadata khushuuca iyo iyadoo lala yimaado dhammaan axkaamta salaadda. Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri hadal uu macnahiisu ahaa “labo rakcadood oo si khushuuc leh loo dhammeystiray ayaa waxay ka kheyr badan yihiin dunida iyo waxa saaran”.

Rasuulka (scw) salaadda ayaa u ahayd waxa uu ku il-qabowsado, wuxuuna ku oran jiray mu’adinkiisa Bilaal “noogu raaxeey Bilaalow”. Qofka mu’minka dhabta ah markii uu salaadda galo, wuxuu gebi ahaanba ka baxaa dunida uu joogo. Wuxuu si khushuuc ay ku dheehan tahay ula faqaa/hadlaa Allihii sharafta badnaa ee isaga abuuray, isaga ayuu weydiistaa waxa uu u baahan yahay, dhibaatooyinka iyo muragada haysatana wuxuu weydiistaa inuu ka qaado. Salaadda dhabta ah waxaa laga helaa xasilooni iyo degganaansho xeel dheer. 

Qofka wuxuu salaadda ku galayaa takbiirta (allahu akbar) [EEG.HALKAN], wuxuu si dhab ahaan u dareemayaa inuu Eebbe (sw) ka weyn yahay dhammaan waxa ku hareereesan dunida. Dabadeedna wuxuu billaabayaa inuu aqriyo suuradda faataxada, isagoo ku macaansanayaa aayadaheeda, wuxuu is dareensiinayaa nimcada uu Eebbe (sw) ku galladaystay, markaasuu oranayaa “Al-xamdulillaahi Rabbilcaalamiin, Arraxmaani-Arraxiim” [Video]. Wuxuu kaloo ku taddabburayaa awoodda, caddaaladda iyo boqortooyada weyn ee uu Eebbe (sw) leeyahay, markaasuu si khushuuc ku dheehan tahay u oranayaa “Maaliki Yowmiddiin”. Intaas waxay u sii siyaadinaysaa dareynka iyo baahida uu ugu qabo kaalmada iyo la kulanka Eebbe (sw), markaasuu leeyahay “Iyaaka Nacbudu Wa Iyaaka Nastaciinu”.
"DADOOW SALAADDA, SALAADDA" Dardaarankii Rasuulkeena Muxamad scw.
Wuxuu haddana u guda galayaa dareynka baahida uu ugu qabo hanuunka Eebbe (sw) ilaa uu ka dhammeystiro suuradda oo dhan. Waa xiriir toos ah oo ay wada qaadanayaan addoonka iyo Rabbigiisa (sw). Allahu akbar, alla maxaa farqi aad u weyn u dhaxeeya salaaddii uu tukan jiray suubbanaha Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisii sharafta badnaa iyo salaadaha ay tukanayaan qaar ka mid ah muslimiinta maanta. Ugu danbeyntii, waxaan naftayda iyo tan muslimiinta oo dhan u dardaarmayaa dardaarankii uu noo jeediyay Rasuulka (scw) markii uu saarnaa sariirtii sakaraatka, waxyar kahor intuusan dhimman, kaasoo ahaa “DADOOW SALAADDA, SALAADDA” oo uu ula jeeday aynu ilaalinno salaadda, oo yeynan ka tagin ama dayicin.

Carruurtaada Maqal iyo muuqaal kubar salaada GUJI.HALKAN
1.gif (17833 bytes)  

Allaahu Abkar (Audio)

 Qiyaam-Faatixa ( Video)
2.gif (9040 bytes)     
  
Rukuuc (Video)

 Rukuuc ka Toosid (Video
)
Sujud Sujuud (
Audio)
sitting down Qucuud -Ataxiyaat (
Audio)
Attaxiyaadka u dambeeya kadib, kusalli Rasuulka (scw): (
Audio)

 Asalaamu Caleykum
(Video)

. MAQAL/MUUQAAL: SALAADA

Qaybaha Zakadu kakooban tahay waana sidaan ee kafiirso ama katixraac saad u garato hadii waxkaa maqanyihiin.

Qaybta 1aad

1= Kitaabu Zakaat,
2= Hordhac
3= Zakada oo ladiido xukumkeeda,
4= Yaa zakadu kuwaajibtey,
5= Shuruuda nisaabka(ama zaka goyska)
6= Maalka zakada lagadhiibaa waa laba qaybood,
7= Zakada maalka ilmaha yar ,
8= Qofka deynka qaba,
9= Qofkii dhintay asagoo laguleeyahay zako,
10= Shardiga niyada zakada marka labixinayo,
11= Zakada gudashadeedu waa waqtiga ay waajibto,
12= Qofka zakada bixinaya oo looduceeyo,

Qaybta 2aad

13= Xoolaha zakadu kawaajibayso,
14= Zakada Dahabka iyo Fiddada ,
15= Nisaab ama zakagoyska dahabka iyo qaddarka kawaajibaya ,
16= Dahab iyo fido malaysu geyn karaa?
17= Zakada maalka deynta kumaqan,
18= Haweentu waxay isku qurxiso oo dahabka iyo fiddada ah,
19= Zakada meherka haweenka,
20= Zakada ijaarka guryaha,
21= Zakada ganacsiga ,
22= Goormay noqotaa hantidu ganacsi ama tijaaro ,

Qaybta 3aad

23= Zakada beeraha iyo waajib nimadeed,
24= Noocyada lagaqadi jirey zakada waqtigii rasuulka,
25= Noocyada anlaga qaadi jirin zako,
26= Nisaabka zakada miraha,
27= Malasii cuni karaa miraha beerta intaanay soogo’ in beertu,
28= Mirihii oo laysu geeyo noocyadoodii
29= In lagubixiyo zakada wax wanaagsan,
30= Malabka zako malaga rabaa ?

Qaybta 4aad

31= Zakada Xoolaha Nool,
32= Zakada Geela,
33= Zakada Lo,da,
34= Zakada Ariga,
35= Xoolaha oo lakalasaaro,ama lakulmiyo,

Qaybta 5aad

36= Zakada Rikaaska ,
37= Rikaaska waajibnimada zakada lagu xiray sifadiisa,
38= Rikaaska waxa kawaajibaya ,
39= Cida khumusku kuwaajibayo,
40= Xagee lagubixinayaa ama yaalasii nayaa khumuska,
41= Waxa baddakasoo baxa zakadiisa,
42= Maalka faa iidada ah zakadiisa,
43= Zakadu inay kuwaajibeyso qofka naftiisa ,
44= Maalka oo dhamaada markay zakadu waajibtey kadib,
45= Zakadii oo dayacantay markii lasoocay,
46= Malabixin karaa qiimo udhigma hadii lawaayo noocii zakada,
47= Zakada maalka lawadaago,
48= Zakadoo laga cararo xukunkeeda,

Qaybta 6aad

49= Cidda Zakada lasiinayo,
50= (1-2) Fuqarada iyo masaakiinta,
51= Qiyaasta lagasiinayo miskiinka zakada,
52= Mulkiilaha anheli karin wax kufilan baahidiisa,
53= (3 )---Dadka zakada kashaqeeya (caamiliin)
54= (4)----kuwa quluub tooda lasoo dumayo,(mu alafatulquluub)
55= (5)----Adoomaha xorayntooda,(wafiriqaabi)
56= (6)---kuwa deymoobey (Alqaarimuuna)

Qaybta 7aad

57= (7)-- Jidka Alle (Fii sabiilillaahi)
58= (8)---Musaafirka (Ibnu sabiil)
59= Zakada oo loo qaybiyo dhamaan cida mutaysatay ama qaar kamida
60= Dadka zakadu xaaraam katahay,
61= Qofka maalqabeenkaa maku badbaadi karaa dhiibid zakada ?