Taariikhda Carays Ciise Kaarshe
W.Q.: Cabdirashiid Axmed Xuseen
Careys Ciise Kaarshe oo ahaa saaryahan weyn oo Soomaaliyeed wuxuu ku dhashay " La-helay " oo ku taal
Gobolka Jubada Hoose, 20km Kismaayo dhanka Galbeed ka xigta. Sida la wariyay Careys wuxuu ahaa Wiilkii seddaxaad oo uu dhalay
Ciise Kaarshe, wuxuuna ku barbaaray Miyiga Kismaayo, noloshiisuna waxba kama duwaneyn tan uu ku nool yahay ninka reer guuraaga
ah ee Soomaaliyeed. Careys Ciise wuxuu ahaa xoola raac si walba ula qeybsaday dhib iyo dheefba beesha uu la noolaa. Intaa
waxaa u wehelisay in uu Quraanka Kariimka ah si fiican u yaqiin maadaama uu ahaa dhal wadaad.
Sida dhaqankeena ku xusan, dhalinta reer miyiga ah markii xoolaha ay soo xera-geliyaan oo ay ka nastaan
hawl-maalmeedkii shiddada iyo qaxarka badnaa, waxay naftooda ku madadaalin jireen amaba ku caweysimi jireen ciyaaraha hiddaha
iyo dhaqanka aanu u leenahay, si dhibtii faraha badnayd ay isku ilawsiiyaan, Labadii haasaawe u dhexeeyeyna ay halkaa ku kulmi
jireen. Ciyaaraha Hiddaha iyo dhaqanka oo noocyo badan ah degmo walbana ay leedahay ciyaar u gaar ah, ayaa ahaa isha madaddaalo
ee dhallinta ku nool miyiga Soomaaliyeed. Abwaannada ku nool degmadaasna sina ugama qataneyn in ay ka soo qayb galaan Cawaysyadaas,
kana muujiyaan suugaantii ay barbaartu uga baratay. Waxaa la rumeysan yahay in Careys Ciise uu ka mid ahaa dhallintii ku doobo
dilaacsatay Caweysyada noocaas ah asagoo sanadkii Labaatanaad ku jira. Ciyaarta Saarka loo yaqaano oo laga ciyaari jiray Miyiga
Kismaayo isuguna dhafan Shanqadh Jaameed , Sacab iyo mid tixeed ayaa alle Naxariistii Janaad ha ka waraabiyee Careys Ciise
uu ku soo barbaaray kuna soo caan baxay. Taasi Careys waxay dhaxalsiisay in uu dhallinta beeshiisa ka kasbado xurmo iyo sharaf
iyo aqoonsi madadaaleyinimo. Careys dulucda ama ujeeddada saarkiisu waxuu u biya shubaneysay Haasaawe Dumar , Madadaalo iyo
Maadeys IWM. Tixdiisu ma ahayn mid aad u dhaadheer sida kuwii danbe, waayo waxaa ka soo dhex geli jiray kana dhabqinayay Ciyaarihii
qoobka iyo Jaanta oo lagu dhafayay Saarka.
Sida laga hayo Caasha Ciise Kaarshe oo ahayd Walaashii ka weyn , waxay sheegtay in Careys Ciise tixihii
ugu horeeyey ka tiriyay Fagaaro ciyaaro dhaqan lagu hayey oo loogu damaashaadayay Aroos cusbaa oo goor habeen ah degmadii
uu ku noolaa ka dhex dhacay. Sida dhallin iyo caadadeed ah, Ciyaartii oo jaanta loo hayo ayaa ciyaartii dhexdeeda waxaa ku
kaftamay Cabdi Maxamed oo careys saaxiibkiis ahaa iyo nin la oran jiray Xassan Xuseen oo degsiimada miyigaas Kismaayo ka mid
ahaa. Qoyska Xassan uu ka soo jeeday wuxuu ahaa Geelley, kan Cabdi Maxamed se wuxuu ahaa Lo'ley. Cabdi oo u duurxulaya Xassan
ayaa Ciyaartii ku soo booday oo ku xifaaltamay sidan :
Anoo teesada fadhiya
Sacuhu laba tiro yihiin
Talaatiin
dhays yihiin
Eeggaas Toban dhaleyn
Tuug halo la joogaa
Tacliin ima taaran karo
Xassan Xuseen in la duray oo uu Cabdi Maxamed Daandaansi wado markii uu arkay ayuu si kalsooni leh
tix diisii u soo ritay wuxuuna yiri sidatan :
Qarbaab weyn iguma taal
Kaneecadu ima qacdhabin
Ma
qabo qaalmaha Lo'aad
Ee waxaan ahay qooq Horaad
Kaftankii Tixeed wuxuu sii socdaba Waxaa dooddii laga badiyay Cabdi Maxamed. Careys Ciise oo ahaa saaxiibkii
Cabdi Maxamed ayaa dhibsaday markii uu arkay loollankii Xifaaltanka in laga sito Saaxiibkiis. Careys wuxuu la faqay Cabdi
Maxamed, wuxuuna ka codsaday inuu isaga u daayo kaftanka kaalintiisa. Cabdi kama uusan diidin oo wuu ku raacay. Careys Ciise
iyo Xassan Xuseen ayey doodii noqotay. Careys waa markii ugu horeysay oo tix Xassan Xuseen ka dhan ah uu Ciyaartii ka siidaayey.
Aad iyo Aad ayey labadoodii uga dhanaanaatay, xifaaltankiina wuxuu isku badalay cay aan cadaawonimo ka danbeynin. Loollankii
tixeed ee dhexmaray Careys iyo Xassan in kastuu habeen kaas bilaawday in mudda ah ayuu socday habeen walbana waxay dhalinta
u camiri jireen caweysin Ciyaareed. Caydooda iyo xifaaltankooda malahayn wax naxli iyo cadaawad reebta, mar alaale marki ay
caweyska ka tagaan habeenkii, xiriirkooda kale wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan oon saaxiibnimo ka madhnayn. Balse markaad u
fiirsatid tixaha ay isku tuurayaan , waxaad moodaa inayan waxba isula harin. Tusaale ahaan bal aan u soo qaato tixaha jajabka
ah ee ay usweydaar sanayeen . Xasan Xuseen Baa Careys Ciise Ku yiri sidatan :
Foolxumo Careys iyo
Koley ina foolac tahay
Wax
baa soo faalalaayee
Intayan naga xadin furmaha
Armaad naga fiirisaan.
Careys Ciise baa isna soo ritay Tixdiisii wuxuuna yiri sidatan :
Xassan Cumar iyo Xuseen
Waa waxaan lagu dhalin xalaal
Xaaraan kama xaajo laha
Xoolaha xoog kuma helaan
Ximaarkoo
Carab u xiran
Inay xalaytaba xadeen
Xogteedaan haatan helay
Ee xarkaha yey idinka xadin.
Careys Ciise wuxuu ka mid ahaa dadka ku burura saarka marka la tumayo jaceylka ay u qabaan awgeed.
Lama sheegin Careys Ciise oo ka qaday Caweys Ciyaareed oo beeshiisa lagu qabtay. Dhallintu waxay u kala soo hormari jireen
fagaaraha uu careys ka muuqdo. Wuxuu ahaa Abwaanka keliya ah oo ay beeshiisu ku qanacsan tahay oogana Caweyska ay dhallintu
ku kulanto. Bal si fiican ugu fiirso tixdan oo ka mid ahayd tixihii uu ka soo jeedin jiray Goobaha Caweyska isagoo dookhiisa
cabirayo dumarka uu jecel yahay nooca ay yihiin.
Careys Ciise wuxuu yiri Sidatan :
Marhadday fuursan tahay
Feeruhu ay kala fideen
Faraasilad
Naasku yahay
Awowgey fiqi Idiris iyo
Faxanaheygaan ka galay
War ka faanaye miyey ifilan
Mar haddey dhuuban tahay
Madaxu uu dhiisha yahay
Dhudhun
Naasuhu yihiin
Awowgey Madax caddiyo
Makaahiil baan ka galay
War diidaye miyey i dili.
Middaan dheereyn oo dhinneyn
Dhexdiyo dhabarka u yareyn
Dharkiyo dhogorteeda kale
Dhalaaleynino dhaqneyn
Dheelkeed
ma'aan rabee
Intaan dhimirkey la gelin
Dhusuqley iga dhaqaaq.
Careys Ciise in kasta uu ahaa hal abuur fagaaro caweyska ku doob-dillaacsaday, hadana wuxuu ka dhashay
qoys dhanka diinta ku xeel dheer, oo aabihiis Ciise Kaarshe ma uusan jecleyn Careys in uu saar yahanimo u beydho. Ciise Kaarshe
fanku wuxuu ugu muuqday fal sheydaan oo lagu baadiyoobo, oo ruuxii shaqa ka dhigtaa uu yahay mid diintii iyo waddada toosan
ee toobiyaha ah ka marin habaabay. Si kastaba arrinku ha u dhacee Careys Ciise wuxuu noqday Saaryahan weyn oo looga haybeesto
badweynta saarka, wuxuuna noqday Af-maal dhanka saarka aan tartame kale yeelan. Kuma khaldanin haddii aanu Careys Ciise ku
Magacawno " Aabihii Saarka". Faana kama ahayn tixaha qaar kood uu ku sheegayo in aan ruux la tartama
dhanka saarka uu san jirin. taasina ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ayaa uga markhaati ah in asaga
oo kale wali ka soo shaac bixin ummaddeena. Bal si fiican u dhuux Murtida saarkan soo socda oo uu Careys Af-tahan nimadiisa
wax uga sheegayo :
Af goortuu xaalku yahay
Itaalkey baan ordaa
Irdaha
waan kala aqaan
Ma aan ihi aamanuu
Albaabka aw-barriyo
Iiraan iyo Aalta iyo
Afgooyiyi Aadan yabaal
Intii
alif saar taqaan
Aney igu Aamineyn.
Tix kalena Careys Ciise isaga oo muujinaya in saarka looga haray deegaankiisa oo dhan, wuxuu yiri sidatan:
Waamadaan aan Fadhiyo
Lawaa nin i waabiyaa
Anay
waysada ii wadaan
Tan iyo weyteen Absame
Wadaaddada wadal mogga
ah
Warsangeligaa wal waal
Waabbeeneeyaba warsada.
Careys Ciise Af-maal nimada ka sakow wuxuu ahaa nin Wadani ah oo mar kasta jecel bulshaweynta Soomaaliyeed
in uu waajibka saaran ee Qaranimo ku booriyo, ugana digo wax kasta oo uu isleeyahay waa qalad. Careys Ciise wuxuu Fanaaniinta
Waabari ku soo biiray amaba ka mid noqday lixdameeyadii markii labada gobol ee Soomaaliyeed Midoobeen. Careys wuxuu ka mid
noqday Kooxda Waabari markii uu wacdaro layaab leh ee Suugaaneed uu ka muujiyay Munaasibaad lagu xusayay isku darkii labada
gobol Waqooyi iyo Koonfur, Xafladaasoo lagu Maamusayey israaca Labada Gobol laguna qabtay Gobolka Jubbada Hoose Magaalamadaxdiisa
Kismaayo. Xafladaas waxaa ka soo qeeb galay Wariirka Gaashaandhiga iyo Wasiirka Warfaafinta, Ujeeddada waftigana waxay ahayd
inay kala qayb galaan
dadweynaha ku nool Gobolka Jubbada Hoose, fantasiyaha damaashaadka
maalinta kowda Luuliyo. Waftigii waxaa lagu soo dhaweeyay Careys Ciise iyo koox dumar ah oo isaga wehelisay, watana dharkii
Hiddaha iyo dhaqanka aanu u lahayn. Careys Ciise fagaarahaas wacdaro aan la soo koobi kareyn ayuu ka muujiyay, wuxuuna tiriyay
saar ku saabsan Munaasibada kowda Luuliyo. Waxaa kale oo uu halkaa ka tiriyay Saar ku saabsan waxa uu Ingiriisku u hortaagan
yahay xornimada N.F.D. wuxuuna yiri sidatan :
Afrika iyo Eeshiya
Iyo orobaba dhamaan
Iyaguba
way noo ordaye
Maxaad Ingiriis adigu
Albaabka u taagan tahay
Eed Soomaalida u adyadeyn.
Careys Ciise dhammaan tixihii saarka ahaa oo uu halkaa ka soo jeediyay dadku aad iyo aad ayey ugu riyaaqeen,
wuxuuna halkaa ku mutaystay in la siiyo Billad sharaf, waxaana loo sheegay in loo qaatay shaqaalaha wasaaradda warfaafinta
si uu Raadiyaha Muqdishaw Ummadda Soomaaliyeed ugu soo tabiyo Maansadiisii saarka ahayd.
Naxariistii Jano illaah ha ka waraabiyee Careys Ciise wuxuu ahaa ruux af-gaaban, waxse balaarneyd xigmaddiisa
maanseed ee Eebbe ku manaystay, mana ahayn dadka wax ku allifa qoraalka, ee wuxuu ahaa dadka aan u fikirin maansada oo markii
uu doonaba soo gaddiyo xigmadda maskaxdiisa ka buuxdo. Careys Ciise wuxuu ahaa nin aad u nadaafa jecel had iyo goorna wuxuu
xiran jiray oo u caada ahayd Macawis, Shaar gacma dheer ah, kabaha nooca loo yaqaano sandalka, Koofiyad, Cimaamad uu garabka
saarto iyo ul xardhan oo aad u quruxsan. Illaahay ha u naxariistee wuxuu ahaa nin aad u deggan oo iimaan wanaagsan, hammigiisuna
wuxuu ahaa Qaranimo, waddaninimi iyo Hagaajin dhaqan. aad iyo aad wuxuu u aaminsanaa shaqadu in ay tahay xaq, la'aanteedna
in bulshadu horumar aysan gaari karin.
Careys Ciise Kaarshe wuxuu ka mid ahaa kooxdii lixaad ee Hobolada waabari oo gashay Dugsiga Tababarka
Xalane 1972dii, halkaas oo lagu barayay Tababarka Ciidamada iyo Maamulka Shaqada. Careys inkastuu ahaa nin waayeel ah, haddana
niyadiisu aad iyo aad ayey uga wanaagsaneed kan dhallinyarada, wuuna ka firfircoonaa mar kastana wuxuu jeclaa in uu ilaaliyo
Magaca kooxdiisa Waabari. Careys Ciise Maalin Maalmaha ka mid ahayd isaga oo gudanaaya shaqadiisii tababarka ahayd, ayaa wadna-xanuun
ku soo booday. Maalintaas taariikhdu waxay ahayd 6-6-1972dii Maalin Arbaca ah, waxaana isla markii loola cararay Isbitaalka
Xoogga, halkaas oo uu ku nafwaayay 6-8-1972dii. Careys Geeridiisii Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto aad ayey uga
murugoodeen, xabaashiisiina si fiican oo sharaf iyo xurmad mudan ayaa loo qabanqaabiyay, loogana soo qeyb galay. Careys wuxuu
ifka kaga tagay qoys ka kooban lix qof. shan caruur oo isugu jirta Afar wiil iyo Gabar, iyo Hooyadood. Careys Ciise in kasta
oo uu dhintay, maantana nala joogin oo noo muuqan, haddana Taariikhda Suugaaneed ee Ummadda Soomaaliyeed marnaba lagama yaabo
in ay hilmaanto kaalinta lama ilaawaanka ah ee uu ka galay. Taasaana keentay in lagu xuso Qoraal kasta oo laga qoro Suugaanta
Soomaaliyeed.